Allbanaadir.com
NEWS

 kala aragti duwanaansho u dhaxeysay labada Aqal ee Baarlamaanka oo la xaliyay (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay mar kale magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Gudoonka labada aqal ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya iyo guddiyada joogtada ah ee leeyihiin labada Aqal.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu dhameenayay kala aragti duwanaansho yar oo u dhaxeysay labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidii labada aqal ay u sameysan lahaayeen xeer hoosaad ka dhaxeeya labada aqal kuna wada shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaansho yar oo labada Aqal dhexdooda ka jirtay ,islamarkaana Guddiyada isku shaqada ah ee Baarlamaanka wada shaqeyntooda ay sii xoojin doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay labada aqal ay hal baarlamaan isku yihiin wada Shaqeyn joogta ahna ay ka dhaxeyso,sidoo kalena gudiyada joogtada ah loogu baahanyahay in ay sii xoojiyaan.

Baarlamaanka labada aqal ayaan wada shaqeyn laheyn mudo dheer, hasa ahaatee khilaafkii iyo kala aragti duwanaashihii ka dhaxeeyay Gudoonka labada aqal ayaa dhawaan xal laga gaaray.

Related posts

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee loogu ciiday looguna Damaashaaday Xaafada Daaru Salaam

Cabdi Cade

Hogaamiye dalkiisa xukumayey muddo 29 sano ah oo si lama filaan ah isku casilay

Caydiid Ali

Putin oo shaaciyey hanjabaad kale oo ka argagaxisay NATO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---