Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal xooggan oo maanta barqadii ka dhacay degmada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay weerar qorshaysan oo bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Uganda halkaas ka degan yihiin.
War kasoo baxaya Al-shabaab ayay sheegatay iney 59 askari oo Ugandhes ah ku dileen weerarka oo ahaa mid aad u xooggan ayna cagta mariyeen saldhigii ay halkaas ku lahaayeen.
Al-Shabaab waxay sheegtay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu waday dagaalyahan Naftiisa biimeeyey uu gudaha u galay kuna qarxay saldhigga AMISOM, waxaana ka dib saldhigga weerar toos ah ku qaaday xoogag hubeysan sida ay sheegeen.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa faafisay in saldhigga ciidamada AMISOM gudaha loo galay, meydadka askarta AMISOM-na ay daadsan yihiin gudaha saldhiga iyo Banaankiisa.
Goob joogayaal ku sugan degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen hugunka rasaasta iyo madaafiic xooggan oo dagaalka laysku weydaarsanayey.
Dhinaca kale, Al-Shabaab ayey sidoo kale ku sheegtay iney wadada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo ka soo dhaqaaqay degaanka Golweyn kuwaasoo damacsanaa iney u soo gurmadaan saaxiibadood dagaalku uu ku socday Buula Mareer.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab, welina si sax ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo sida uu dhacay.
Ciidamada AMISOM iyo dowlada Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin weerarkan oo la mid ah kuwo Al-shabaab ay horey uga fulisay degaanada Ceel-cadde iyo Leego, kuwaasoo lagu laayey ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com