Allbanaadir.com
NEWS

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo dowladaha taageera dowlada federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Maamul goboleedka Galmudug.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano iyo masuuliyini katirsan maamulka Galmudug ayaa wakiilada beesha caalamka ka socda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuuso Mareeb.

Wafdigan gaaray  Dhuuso Mareeb waxaa  hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, waxaana xubno ka ah wafdigan wakiilo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, Safiirada Turkiga, Qatar, Ethiopia, Kenya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in kulamo la qaato wakiiladan ka socda beesha caalamka ee gaaray magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana xubnahan la sheegay in ay taageeri doonaan dadaalada uu wado Ra’isul Wasaaraha ee lagu dhisayo Galmudug.

Related posts

Xaafad hal waddo dhinacyadeeda looga nool yahay oo dad badan soo jiidatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda dil qorsheesan oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

UNICEF: “Gaza waa meesha ugu halista badan Adduunka ee Ilmo uu ku noolaado”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---