Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado yar kahor ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo garoonka Diyraadaha Aadan Cadde ee ku dhaw Isgooska KM-4.

Jugta qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro iyo qiic madow.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi ka qaada dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta kulan uu ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamse oo ka dhacay Xalane (Sawirro)

Caydiid Ali

Odayaasha iyo Bulshada soo xuleysa ergada dooraneysa lix kursi oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Seminaar ku saabsan cudurada Wadnaha & Neef-mareenka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---