Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Midowga Afrika oo ka baxay degaan ka tirsan Sh/dhexe & Al-shabaab oo ku soo laabatay

Ciidamadii Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee saldhigga ku lahaa tuulada Cali Fooldheere oo ku dhow degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi isaga guuray.

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo markii horeba ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn tuulada ayaa halkaas dib ugu soo laabtay oo haatan maamulaya.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ciidamada AMISOM uga baxeen degaanka Deegaanka Cali Fooldheere oo dhowr jeer weeraro kala duwan oo u badan Madaadiic ay ku soo qaadayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Sh/dhexe iyo AMISOM wax faahfaahin ah kama bixin ciidamada ka baxay degaanka Cali Fooldheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraatka oo Faragalin ku haya Siyaasada Mareykanka iyo Xogo qarsoon oo la helay

Cabdi Cade

Golaha Wakiiladda Puntland oo mar kale diiday Ansixinta Golaha Adeega Garsoorka ee Maxkamadda sare

Cabdi Cade

Putin oo aan ka qeyb geleyn aaska Mikhail Gorbachev iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---