Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wufuud caalami ah oo beri ku wajahan Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Wufuud caalami ah ayaa maalinta beri ah lagu wadaa iney gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo caawa na soo gaaraya.

Warka ayaa intaas ku daraya in wufuudan ay beri marti gelineyso Dhuusamareeb ay ka kooban yihiin ururada caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka ah ee taageera Soomaaliya, iyadoo amniga magaalada caawa si weyn loo xoojiyey.

Waxaa ka mid ah wufuuda beri ku sii jeeda dhuusamareeb wakiilo iyo danjireyaal matalaya Mareykanka, UK, Sweden, Norway, Turkiga, Qatar, Holland, Jabuuti, Ethiopia, Germany, Italia, Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Afrika iyo Hey’ado kale oo caalami ah.

Sida  wararku sheegayaan wufuudan ayaa kulamo la qaadan doona raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo muddo bil ah ku sugan Dhuusamareeb iyo Masuuliyiinta ahlu suna ee ku hiiray Maamulka Galmudug.

Lama oga illaa hadda ujeedada wafdigan balse waxaa safarkoodu uu ku soo aadayaa xili masuuliyiinta dowlada ee jooga Dhuusamareeb ay halkaas ka wadaan geedi socodka dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Abaabul dagaal oo socda iyo Amniga Magaalada Boosaaso oo laga deyranayo

admin

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Wadahadallada Dowladda iyo Somaliland

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe oo ka qeyb galay dabaaldega Italian Festa della Republica (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---