Allbanaadir.com
NEWS

Weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Buulo-mareer

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen barqannimadii maanta oo Axad ah saldhig ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin degaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 125-Km Koonfur uga beegan caasimadda Muqdisho.

Kooxda weerarka qaadday ayaa markii hore labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weeraray saldhigga oo ay fadhiyeen ciidamo Ugandhes ah, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidanka xerada joogay iyo dableyda weerarka qaadday.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in la jebiyay kooxdii weerarka qaadday isla markaana labada baabuur ee qaraxyada siday ay ku qarxeen meel dibadda ka ah xerada, isagoo xusay in qof rayid ah uu ku dhintay hubkii labada dhinac ay is weydaarsanayeen.

Al-Shabaab dhinacooda waxay sheegeen inay labo qarax oo waaweyn ku weerareen saldhigga ciidamada Ugandha ee Buulo Mareer, isla markaana ay ciidankoodu ka dagaalamayaan xerada gudaheeda.

Illaa hadda ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya sida ay xerada hadda wax uga jiraan.

Wixii ka soo kordha weerarkan kala soco halkan saacadaha soo socda insha Allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Qarax caawa ka dhacay Hotel ku yaalla Jowhar & Masuul ku dhaawacmay

Caydiid Ali

Masuul katirsan Wasaarada Maaliyada oo mudo isbuuc ah ku xiran Muqdisho 

Cabdi Cade

Kenya oo Madaxweyne kale loo dhaarinayo iyo xiisad ka taagan Magaalada Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---