Waxaa aad iisoo jiitay sheeko lagu qoray Jariiradda Evening Standard taas oo cinwaan looga dhigay moobillada shaashadda leh oo adeegsadaha kala tagaya dareenka gurmashada – kana dhigaya goobjooge aan gacan fidiye noqon Karin.
Dr Linda Papadopoulos ayaa tooshka ku ifinaysa tusaale dhawaan-gal ah oo muujinaya danbiile ku xad-gudbaya haweeney boolis ah – halkaas oo goobjoogayaashuna ay lasoo kala baxayaan moobilladooda si ay u rikoor-gareeyaan dhacdada; beddelkii ay gacan gurmad u fidin lahaayeen qofka dumarka ah ee lagu itaal-diganayo, waxay u kuur-galista dhacdooyin la eyni ah middaas kaddib ku doodeysaa in moobillada caaqilka loo yaqaan ay dadka sita ka dhigeen goobjoogayaal aan gurmad fidin Karin.
Halka ay tilmaantay in duubista dhacdada aysan waxba ku jabneyn, haddana waxay sheegtay in dadku goobjoog u noqonayaan si ay kaliya uga sheekeeyaan dhacdada in yar kaddib marka ay soo dhigaan baraha bulshada. Waxayse diiday inaanay sabab togan marwalba la xiriirin duubista dhacdada.
Booliska UK ayaa sheegay in bulshada ay aad isku bedeshay; wax caadi ah waxaa la noqday in xiiso goonni ah loo yeesho ku jeesjeeska iyo duubista dhacdo ku dhaceysa qof dhibane; beddelkii gacan loo fidin lahaa.
Haddii aan arrintan lagu tilmaami Karin musiibo, ugu yaraan waxaa loo adeegsan karaa ereyada ugu ayaan daran ee lagu sifeeyo raadadka aan la mahdin ee laga dhaxlo isticmaalka moobillada.
Kala bar dadka adeegsada qadka internet-ka waxaa aad ugu sahlan inay maalin oo dhan iskaga jiri karaan aqalladooda – iyaga oo aan dareemin in yar oo cidlo ah. Mararka qaar, laba ku wada jirta aqalka qura ayaan heli karin fursad ay si furan iskugu sheekeeyaan. Dabcan xiisaha qof walba uu gaarkiisa kaga helayo dunida dhalanteedka ah ee qadka internet-ka lagu fududeeyey ayaa si muuqata uga horjoogsanaya inay iskugu yimaadaan dunida dhabta ah.
Sidaas awgeed, adeegsiga moobillada waxaa ugu danbeyn lagu sifeyn karaa meel lagala socon karo xogta dunida fog, balse warmoog loo yahay dunida lala nool yahay.
Kasokow waqtiga ugu badan ee nooga baxa baraha bulshada, wuxuu noqon karaa laba mid un; inuu si dhab ah noogu xirayo dan-wadaagga togan ee wada hadalka bulshada, ama inuu dhantaalayo wada-noolaanshaha mujtamaca. Labadaba waxaa marqura go’aaminaya halka uu adeegsaduhu ka joogo isticmaalkeeda.
In kasta oo aan laheynin tira-koob sugan oo lagu hilaadin karo adduunka lacageed iyo tirsiga goor-sheegtooyin ee nooga baxa isticmaalka moobillada caaqilka ah, haddana waxaa hubaal ah in dhinac madow oo aan la mahdin doonin timaadada dhow laga dhaxli doono.
Dhaqanka akhlaaqda bulshada oo ku jirta halis muuqata haba ugu darnaatee. Soddon sanno ku dhow oo dalkeennu kusoo jiray duni aan lahayen kala-danbeyn ku dhisan akhlaaq iyo amar ciribteeda danbe lagu mudanayo abaal-marin qaraar, waxaa dhaqankii ka jiray shaarica loo soo raray baraha bulshada.
Wax caadi ah ayay iska noqotay in qofku qeyb uga qaato musiibo walba oo laga dhex durbaan garaaco. Adeegsiga moobillada caaqilka ah waxay sahlayaan in qofku uu fadhi-ku-dirir toos ah ku yeesho qolal kala duwan oo intooda badan aan lagu gorfeynin waxyaalo la xiriira dhaqanka suuban.
Wuxuu – maadaama aanu jirin daba-gal sugan oo lagu raad-guro adeegsadaha – awoodi karaa inuu soo geliyo sawiro iyo qoraallo aan anshax ahaan suubaneyn. Wuxuu xittaa si fudud ku hurin karaa colaad heerar kala duwan ku siman taas oo kala shaki iyo dheeraansho ka dhex abuuraysa bulshada.
In Dr Linda ay falan-qeynteeda ku sifeyso halista ku gadaaman adeegsiga moobillada caaqilka leh waxay qeyb ka sheegeysaa musiibada taagan. Balse waxa gaarkeenna inoo heysta ayaa ka halis badan inta laga saadaalin karo. Waxaa muuqata in bulshada Soomaaliyeed ay ugu danbeyntii lumin doonaan dhaqankii wacnaa iyo hiddihii soo-jireenka ahaa oo ay ab-ka-ab kusoo dhaqmi jireen.
Sidaas darteed, maxaa la gudboon qof walba oo adeegsada telefoonnada caaqilka ah si aanu qeyb uga noqon dhaqan-guurka ku baahaya baraheenna bulshada?
Dad badan waxay qabaan in loo baahan yahay xakameyn tiknoolojiyaysan oo lagala hortago si-xun-u-adeegsiga qaldan ee moobillada caaqilka ah. Balse waxaan ka qabaa in halka aynu ka bilaabayno toosin akhlaaqdeenna aanay noqon Karin baraha bulshada oo kaliya. Waa muhiim in si dhab ah loogu daadego heerka uu gaaray hab-dhaqanka bulshada ee ka jira nolosha magaalooyinka.
Markaas ayaa si dhab ah shuruuc iyo kahor-tag habboon loogu soo rogi karaa adkeynta qiyamka anshax ahaaneed ee umadda – innaga oo wax ka baranayna tusaalayaasha dhawaan-galka ah ee laga bartay dalka Uganda kaas oo adeegsade walba ku qasbaya inuu si huban oo aan xanafi ku jirin u adeegsado moobilkiisa. Haddii kale laga jaran doono lacagta uu qadka ku isticmaalayo.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com