War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madatooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ka walaacsan tahay hab dhaqanka Hogaamineed ee Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa ku eedeesay Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in ay si joogto ah ugu howlan yihiin bur burinta dowladaha Xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya, waxa ay sidoo kale Madaxda dowlada ku eedeesay iska hor keenida shacabka Soomaaliyeed.
Warka kasoo baxay Puntland ayaa sidoo kale loogu digay dowlada federaalka Soomaaliya in ay joojiso faragalinta ay ku heyso doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan maamulada Jubbaland iyo Galmudug.
Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com