Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Al-Shabaab 120 dagaalyahan looga dilay gobolka Hiiraan

Taliyaha Guutada 52–aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Max’uud (Taredisho) ayaa sheegay howlgaladii ka socday gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishan ay ku dileen ugu yaraan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil sar-sare, isagoo intaa ku daray inay gacanta ku dhigeen tiro kale.

Jen. Taredisho oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kooxda Al-shabaab kala wareegeen degaanno farabadan oo uu sheegay iney kooxdu ku dhibaateyn jireen shacabka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgaladaasi  ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dhulka buuraha ah ay sii socon doonaan, isla markaana ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya Shacabka degaanadaasi ay sii baacsan doonaan Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray inaysan Ciidamada Qaranka ka soo bixi doonin degaanadaasi gacanta lagu dhigay ayna baaqi ku sii ahaan doonaan.

Taliye Taredisho ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, taasoo uu sheegay inay keeneyso in Al-shabaab ay weyso meel ay ku harsato sida uu yiri.

Ma jiraan warar madax banana oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada taliyaha ee ah iney 120 dagaalyahan ku dileen gobolka Hiiraan 15 cisho gudahood, sidoo kale Al-shabaab kama hadlin arintan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khamri & Xashiish lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay xaafada Shaqaalaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shaaciyay Cuqubada ku dhacda dadka dhaqaalaha siiya Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Meydadkii saraakiishii Imaaraadka loga dilay Muqdisho oo lagu celiyey dalkooda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---