Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddi KMG ah oo soo diyaarinaya Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Guddiga uu magacaabay Gudoomiye Mursal oo ka kooban 15-Xildhibaan oo katirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shaqadooda noqon doontaa hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka ee ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.
Sharciga Doorashooyinka ay horey u meel mariyeen golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhaliyay muran xoogan iyo shaki laga qabo Madaxtooyada, lamana oga in guddigan wax ka bedel ku sameyn doono qodobada muranka dhaliyay ee sharciga Doorashooyinka
Halkan ka Akjhriso Guddiga la magacaabay