Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Wakiilka QM & danjiraha Britain (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhameystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankan looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka ku soo fool leh dalka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo booqday Prof Jawaari oo arrimo Caafimaad u jooga Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Makaraan oo qiray isbaarooyin sharci darro ah oo yaalla Sh/dhexe

Caydiid Ali

Imaaraatka oo ogolaaday in dalkooda lagu imaan karo Baasaboorka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---