Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro Soomaali ah oo loo xiray dil loo geystay Haweeney Canades ah

Laba wiil oo Soomaali ah iyo mid kale oo ajnabi ah ayaa lagu xiray Magaalada Toronta ee dalka Canada ka dib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dil ka dhacay Magaaladaasi.

Booliiska Canada ayaa bilaabay 16-kii bishii Maarso inay dad u qabtaan dil loo geystay gabar u dhalatay Wadankaasi.

Mid ka mid ah labada wiil ee Soomaalida ah ayaa dacwad oogayaasha waxay sheegeen inuu waday Gaarigii lagu fuliyay dilkaasi, Maxkamadna la soo taagi doono bartamaha bishaan Abril inta ka horeysana ay keeni doonaan cadeymaha eedeeymahaasi.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dhaliilsan dacwad oogayaasha iyo laamaha amaanka ee dalkaasi kuwaad oo ay ku eedeeyeen inaysan si daacad ah ugu shaqeynin Soomaalida Canada ku dhaqan.

Laamaha amaanka ee dalka Canada ayaa iska fogeeyay eedeeymahaasi iyagoo taa bedelkeed Soomaalida ku eedeeyey inay yihiin kuwo aan sharciga garab siinin, ayna caawiyaan dambiilayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Antonio Guterres oo Baydhabo u gudbay, booqdayna xeryaha barakacayaasha

Caydiid Ali

Rag horey u dilay nabadoon caan ah oo lagu toogtay fagaaraha Iskoolo Buluusiyo

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen Magaalada Makelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---