Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Ciidamo kasoo goostay dowlada  (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud kusoo bandhigtay afar askari oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Askartan kooxda Al Shabaab soo bandhigeen ayaa xirnaa dareeska ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxa ay sidoo kale askartan lasoo bandhigay ay ku hubeesnaayeen qoryaha AK-47 .

Qaar kamid ah askartan lasoo bandhigay oo la hadlay Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegay in ay kasoo goosteen ciidanka dowlada ay katirsanaayeen, waxa ayna tilmaameen in ciidamada Itoobiya oo ka bar bar dagaalama ay dhibaateen shacabka Soomaaliyeed.

Al Shabaab ayaa marar badan soo bandhigtay askar ay sheegeen in ay kasoo goosteen ciidanka dowlada iyo kuwa maamulada, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Milatariga Soomaaliya oo ku aadan askartan Al Shabaab Ceelbuur kusoo bandhigeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sjaaciyay hadal dad badan layaabeen

Cabdi Cade

Musharax C/raxmaan C/shakuur oo ku dhawaaqay arrin ku cusub doorashada Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xarigga ka jaray Waddo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---