Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay Ciidankii dhowaan la wareegay anmiga Xarunta Baarlamanka Somalia

Ciidankii horey u joogay dhismaha Baarlamanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga xaruntaas.

Ciidanan oo gaaraya 114 askari oo boolis ah ayaa Waxaa amniga dhismaha baarlamaanka  dhawaan kala wareegay ciidamo kale oo uu gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay inay soo dirtay Xukuumada.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax faah-faahin ah ciidamadaasi.

Mas’uuliyiin ka dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ciidankaasi shalay lagu soo celiyey dhismahama baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan mas’uuliyadda amniga gudaha ee dhismaha.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao uu soo farageliyey xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga keenay Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyey in amniga xarunta baarlamanka dib loogu celiyo ciidankii horey u joogay, lagana qaado ciidamada kale ee dhowaan halkaas la geeyey.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog Xaasaasi ah: Guddomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya shirka musharaxiinta

Cabdi Cade

Dhaqtar Qaliin Madaxa uga sameeyay Bukaan aan aheyn kii u baahnaa !!!

Cabdi Cade

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay Dibad bax lagu dalbanayay in la sii daayo Jen Sheegow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---