Dayuurado dagaal oo la aaminsan yahay iney leeyihiin ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga ayaa xalay duqeymo ka geystay degaano ka tirsan Sh/hoose.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday degaanka Kuunyabarow ee gobolka Sh/hoose, waxaana lala eegtay dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la socday gaari marayey duleedka degaanka Kuunya-barow.
Macluumaad ay bixiyeen Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyntaas lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Ilaaladooda.
Inta la xaqiijyay afar ruux ayaa ku geeriyooday oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Mid ka mid ah Saraakiisha la dilay ee tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaana uu Al-Shabaab u qaabilsanaa saldhigyada qarsoodiga ah ee ku yaala gobolka Sh/hoose.
Al-Shabaab ayaa xiligan wajahaya duqeymo xooggan oo lala beegsanayo saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, iyadoo Mareykanku kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan degaanada ay kooxdan ku sugan yihiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com