Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo bilaabeysa farsamo cusub oo ay kaga hortagayso weerarada Al-Shabaab

Dowladda Kenya ayaa bilaabaysa qorshe ay ku hubeynayso xarumaha waaweyn ee Ganacsiga ee Ku yaala dalkaasi, si looga hortago Weerarada Al-Shabaab.

Xarumaha la hubeynayo ayaa waxaa ka mid ah hotelada, Moolalka iyo goobta kasta oo la tuhmo In Al-shabaab ay beegsan karaan.

Arintan ayaa ka dambeysay Kadib markii ay kordheen digniinada ka soo baxaya saraakiisha  Sirdoonka dalka kenya.

Saraakiisha Sirdoonka kenya ayaa ka digaya in Al-Shabaab ay Weeraro ka fuliyaan magaalooyin ka tirsan dalka Kenya, taasina waxay cabsi badan ku abuurtay shacabka ku nool Magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Lamu Gaarisa iyo meelo kale.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmo ka hor ciidamo ka tirsan Kenya lagu qarxiyay Magaalada Xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo si Dabacsan uga hadlay Dagaaladii Muqdisho Amarna siiyay Ciidamada Dowlada

Cabdi Cade

Sacuudiga oo xabsi dheer ku xukumay imaamkii hore ee Xaramka Maka

Caydiid Ali

Shirkii IGAD ee ku Saabsanaa Xaaladaha ka taagan South Sudan oo la soo Gabogabeeyay!!(Daawo Sawirada)

admin