Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masaajid la dhisay 1,200 sano ka hor oo dhulka hoostiisa laga helay (Daawo Sawirro)

Masaajid ka mid ah kuwii ugu horreeyay dunida, oo la dhisay qiyastii 1,200 oo sano ka hor ayaa laga helay saxaraha Negev ee ku yaalla dhulka Israa’iil.

Dad ku taqasusay waxyaabaha taariikhiga ah ayaa waxay sidoo kale sheegeen inuu ka mid yahay masaajidyada ay dhif iyo naadirka tahay in la helo noocooda.

Masaajidkan ayaa la helay xilli shaqo dhisme ah laga sameynayay goobta kuu ku aasnaa.

Sida ay sheegtay Hay’adda qaabilsan waxyaabaha taariikhiga ah ee Israa’iil oo magaceeda loo soo gaabiyo (IAA) Waa masaajidkii ugu horreeyay da’daas ah oo laga helo dhulkaas, waxaana uu la mid yahay Masaajidyo noociisa ah oo laga helay magaalooyinka Maka iyo Qudus

Khubarada lagu kala magacaabo Jon Seligman iyo Shahar Zur ayaa sheegay inay adagtahay in masaajid noocan ah “laga helo meel kale oo ka tirsan caalamka”.

Cilmibaareyaasha ayaa aaminsan in masaajidkan oo ah mid yar ay xilligaas isticmaali jireen beeraley ku nooleyd degaankaas oo carabtu ay maamuli jirtay waagaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hubeysan oo dad ku afduubtay Super market ku yaalla Faransiiska (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo kormeer ku tagay Dhismaha Cusub ee Madxafka Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Walaac iyo cabsi soo waajahday Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Jarmalka iyo Beesha caalamka oo Kismaayo kula hadlay… !!

admin