Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo loo xiray dhaqaale ay ka heleen dowlada Somalia

Ciidanka Puntland ayaa la sheegay iney xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan Guddiga Dhismaha Wadadda Boosaaso.

Xubnaha xabsiga loo taxaabay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Maamulihii Amal Bank Faraca Boosaaso Shiikh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Max’uud Maalfo waxaana xarigooda kasoo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga la xiray loo heysto lacag ay ugu deeqday dowladda Federaalka oo gaareysa $150,000, taasoo lagu shubay Khasnada Guddiga dhismaha Wadadda bartamaha Boosaaso, iyadoo Maamulka dalbaday inay dib u celiyaan ama wareejiyaan Puntland, balse markii ay ka biyo diideen Guddiga xabsi la dhigay.

Maamulka Puntland ayaa faragelin u arka in dowladda federaalka ay si toos ah lacago u siiso guddiyo ka dhisan Magaalooyinka Puntland, waxaana la sheegay inuu amar ku bixiyey arintan talaabo deg deg ah in laga qaado Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ka dib markii ay dowladda Federaalka ay u meel martay lacaga uu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ugu deeqay dhismaha Garoonka Cawaale ee waqooyiga Gaakacyo.

Xubno ka mid ah Gudiga laga xiray ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu ku amray inay ku soo wareejiyaan lacag $150,000 oo dollar ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday dhismaha wadada dhexmarta Magaalada Bosaaso taasoo ay sheegeen iney ku gacan seyreen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Baahiyay Muuqaalada Weerarkii Masaajida New Zealand oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garawe kusii jeeda kaddib markii Deni diiday in uu qaabilo …

Cabdi Cade

Xilalka la filayo in dhawaan magacawdo dowlada Soomaaliya kadib doorashadii Mursal (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---