Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Hindiya kana soo jeeda Qoymiyada aadka loo liido ee Dalit, ayaa si xun loo dilay kadib markii uu ninkan iibsaday sidoo kale kaxeestay Faras.
Pradeep Rathod, oo 21 jir beeraley ah ayaa meydkiisa laga helay barkad lagu riday, waxaana ninkan uu u dhintay garaacid xoogan oo loo geestay sida ay sheegeen booliiska gobolka Gujurat.
Ciidamada gobolka Gujurat ayaa xiray sadex nin oo kasoo jeeda dabaqada sare kuwaa oo lagu tuhmayo in dilkan geesteen, waxaana booliiska ragan ku wadaan baaritaano dheeraad ah.
Sababta loo dilay ninkan kasoo jeeda Qowmiyada la liido ayaa lagu sheegay in uu iibsaday Faras, waxaana faras caado u tahay in ay iibsadaan sidoo kale kaxeestaan dadka hantida leh iyo kuwa beelaha sare kasoo jeeda.
Aabaha dhalay wiilkan la dilay ayaa sheegay in wiilkiisa ay soo gaartay digniin ah inuusan kaxayn faraska, taas oo loo arko inay keliya sameyn karaan dadka beelaha sare kasoo jeeda.
Dalka Hnidiya waxaa ka jira takoor iyo dhibaatooyin lagu hayo dadka kasoo jeeda Qoymiyada Dalit, waxaana xusid mudan in dalkaasi mamnuuc ka tahay takoorka qowmiyad loo geesto .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com