Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw oo caawa ah Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir waxa ay ku toogteen Gudoomiye Waaxeed katirsanaa Degmadaasi.

Sida aan Wararka ku helnay dhalinyaro hubeesan ayaa rasaas ku furay Gudoomiyaha Waaxda Kacaan ee Degmada Xamar Weyne Maxamuid Macalin Xasan (Fagaase) iyo nin kale oo la joogay.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta Waaxda Kacaan, waxaana goobtaasi lagu dhaawacay nin kale oo la joogay Gudoomiyaha oo isna la sheegay in maamulka waaxda katirsanaa.

Ragii dilka iyo dhaawaca geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska ayaa caawa la dhoobay Degmada Xamar Weyne kuwaa oo baaritaano ka wada qeybo kamid ah Degmadaasi.

Degmada Xamar Weyne ayaa kamid ah Degmooyinka ay inta badan ka dhacaan dilalka qorsheesan ee loo geesto dadka shacabka ah iyo sidoo kale dadka u shaqeeya Hay’adaha dowlada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Ajnabi ah oo xaaskiisa ku dilay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Qarax gaari oo goor dhow Muqdisho ka dhacay & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo amartay in la xiro Dugsiyada Quraanka iyo Mowlacyada

Cabdi Cade