Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wasiir Maxamed Maxamud oo xilka laga qaaday iyo Wasiir cusub oo lagu bedelay

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii maaliyada ee maamulkaasi Maxamed Maxamud Cabdulle (Maxamed Dheere), waxa uuna isla wasaaradan u magacaabay Wasiir cusub.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada in uu noqdo Mudane  Abdi Shakuur Abuukar Xasan.

Xil ka qaadista Wasiirka Maaliyada iyo magacaabista Wasiirka cusub ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa heshiis dhawaan si hoose loogu gaaray magaalada Baladweyne oo lagu xalinayay xiisadii ka dhalatay Xil ka qaadistii Yuusuf Dabageed.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabista 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo tirtirtay Muuqaal la macmalay oo ay iskaga fogeyn rabtay duqeyntii Isbitaalka

Caydiid Ali

Sargaal Ciidan oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyay dilal kale oo dhacay

Cabdi Cade

Wasiir difaacay wax ka beddelka Dastuurka fartana ku fiiqay Siyaasiyiinta diidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---