Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Akhriso Magacyada :Guddiga Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dhawaan la filayo in uu ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb.

Guddiga la magacaabay ayaa isugu jira Siyaasiyiin iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabista guddigan lagu saleeyay habka awood qeybsiga beelaha dega deegaanada Galmudug.

Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ku jira Wasiirkii hore ee arimaha Guddaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere)  iyo Wasiiru dowlihii hore ee Arimaha Dibadda Maxamed Nuur Gacal .

Guddigan ayaana ka shaqeenaya qaban qaabada iyo diyaarinta shirka dib u heshiisiinta ay isugu imaanayaan beelaha dega deegaanada Galmudug, waxaana shirka kadib la filayaa in la qabto doorashada maamulka Galmudug.

Halkan ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex arrin oo lid ku ah heshiiskii Dhuusamareeb & RW cusub 48 saac lagu magacaabayo

Caydiid Ali

Feysal Waraabe oo sheegay in dagaalka Laascaanood ay wadaan xulufadii Siyaad Barre

Cabdi Cade

Haweeney Gubtay Guri Muqdisho ay ka dagneyd iyo Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---