Allbanaadir.com
NEWS

Suldaan Caan ahaa oo caawa la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Suldaan caan ka ahaa magaaladaasi oo lagu magacaabayay  Suldan Cabdulahi Suldaan Cabdiraxman.

Sida aan wararka ku heleyno dilka Suldaanka waxaa fuliyay labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa kuwaa oo si deg deg ah uga baxsaday goobtii uu dilka ka geesteen sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaas ka sameeyeen baaritaano aan wali la ogeyn waxa kasoo baxay.

Suldaanka Caawa lagu dilay Koonfirta magaalada Gaalkacyo ayaan wali la ogeyn sababta loo dilay mana jirto ilaa hada koox sheegatay in masuul ka aheyd dilkaasi oo dad badan ay ka naxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin: “Cuno-qabateynta reer galbeedku waxay ka dhigan tahay dagaal la iclaamiyey”

Caydiid Ali

Shiinaha oo si kulul uga hadlay buufinkii laga shakiyay ee Mareykanku qarxiyeen

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada Somalia oo soo saartay digniin la xiriirta doorashada & Deni oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---