Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qalabkii dhismaha ee jidadka Muqdisho ku xira Afgooye & Jowhar oo dalka keenay

Qeybtii ugu horeysay qalab kala duwan oo loogu talo galay dhismaha jidadka Muqdisho ku xira degmooyinka Jowhar iyo Afgooye ayaa laga soo dejiyey dekeda weyn ee Muqdisho.

Waxaa qalabkan keenay Markab xamuul ah oo ku soo xirtay dekeda Muqdisho, isagoo iskugu jira gaadiidka xamuulka, makiinadaha cagafta ee dhulka qoda, iyo qalab kale oo kala duwan.

Waxaa wadada ku soo jira qalab kale oo loogu talo galay dhismaha labada wado kaasoo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Mqudisho sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Wasaarada howlaha guud ee dowlada Somalia.

Mashruucan lagu dhisayo labada wado oo ay maalgelineyso dowlada Qatar ayaa waxaa dhagax dhigay dhowaan Raisul Wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre iyo danjiraha Qatar u fadhiya Somalia.

Labada waddo oo marka la isku daro gaaro gaaraya illaa 130-km ayuu qorshuhu yahay in la saaro laami casri ah, waxaana dhismaheeda fulinaya shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga.

Dhaqaalaha ku baxaya ayaa laga bixin doonaa adduun gaaraya $200 oo milyan oo dolar oo  dowladda Qatar ugu deeqday Somalia, isagoo noqon doona mashruucii ugu weynaa ee dalka laga fuliyo 30kii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Caado ka dhigtay in uu xado dharka loo xiro caruusada iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa

Cabdi Cade

Daawo:-Faah Faahin diyaarado dagaal oo duqayn geestay & Gumaad Kenya ku hayso Shacabka Gedo oo …

admin

Isbedalka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---