Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Isgooska Black Sea ee magaalada Muqdisho , waxaana qaraxan daqiiqado badan saameyn ku yeeshay ganacsigii halkaasi ka jiray.

Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxayaan waxa uu ahaa  ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay labo ruux oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale qaraxa dhaawacyo uu kasoo gaaray dhowr qof oo kale.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wali la ogeyn natiijada kasoo baxday.

Qaraxan khasaaraha geestay ayaana wali la ogeyn in uu dhismaha ka dhax dhacay iyo in uu ahaa mid yaalay banaanka dhismaha, waxaana socda baaritaano booliisku ku wadaan qaraxan iyo waxa uu ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Wareegto ku magacabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Xog Dheeraad ah oo laga helay Qaabkii Al Shabaab u dileen Sargaal katirsan CIA-da Mareykanka

Cabdi Cade

Ciidan uu Hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole oo qabtay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---