Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka G/Banaadir oo Banjarinaya Gaadiidka Wadooyinka lagu dhax dhaqo (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay banjariyaan taayarada gaadiidka lagu dhaqo wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay ciqaab uga dhigaan dadka inta badan gaadiidka ku dhax dhaqda wadooyinka.

Agaasimaha Nadaafada maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ay banjariyeen gaari laamiga lagu dhaqayay, waxa uuna xusay in qofkii gaari wadada ku dhax dhaqa la kulmi doono Ciqaab iyo Ganaax.

”Jid ay Maalin walba xaaqdo Hooyo Soomiyeed ayuu Mu Dhex Dhaqay Baabuurkiisa Wuxuuna awooda In uu labaajo Geysto, saakay waxaan ka Banjarinay 2 Lugood oo aan Aaryada Ka Saarnay, Qof walba oo Jidka Nadaafadiisa Ku Dheela Ganaax Iyo Ciqaab Naga Filo” Ayuu yiri Agaasime Xalane.

Talaabadan uu maamulka gobolka Banaadir qaaday ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, waxa ayna dad badan dhaliileen in gaadiidka la banjariyo iyagoona taa badalkeeda ku baaqayeen qofkii lagu qabto in laga qaado lacag ganaax ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ha’yadda WHO oo digniin culus ka bixisay halis ku soo wajahan qaarada Afrika

Caydiid Ali

Shirkado ku eedeeyay Musuqmaasuq wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Dhibaatada Caafimaad daro ee laga dhaxlo Cabista Sigaarka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---