Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin ka shaqeenayay Xafiiska Abiy Axmed oo loo doortay Madaxweynaha Amxaarada

Ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa doortay Madaxweyne cusub ,kadib markii dhawaan weerar qorsheesan lagu dilay Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Ambachew Mekonnen.

Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) oo mudo sadex maalin ah shir ku lahaa magaalada Bahar Dar ee caasimada maamulka Amxaarada ayaa Madaxweyne u doortay siyaasiga  Temesgen Tiruneh.

Ninkan loo doortay Madaxweynaha cusub ee ismaamulka Amxaarada ayaa ka tirsanaa xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa uuna Temesgen Tiruneh ahaa lataliyaha dhinaca amniga ee Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Gobolka Amxaarada dalka Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay afgambi fashilmay oo lagu dilay Madaxweynihii maamulkaasi iyo xubno la shaqeenayay, waxaa sidoo kale la dilay ninkii ka dambeeyay afgembigii fashilmay oo ahaa sargaal ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Carro xoog leh oo ka dhalatay hadal uu nin Wasiir ah ku yiri gabar Muslimad ah

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay dalka Qadar (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu riday askari dil u geestay nin lacag deyn ah ku lahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---