Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Theresa May: “Lama aqbali karo hadalka isir naceybka ah ee ka soo yeeray Trump”

Ra’isal Wasaaraha Britain Theresa May ayaa cambaareysay hadalka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku weeraray haweenka ka tirsan aqalka Kongreska Mareykanka.

Haweenkan ayaa kala ah Alexandria Ocasio Cortez, Rashida Taib, Ayanna Pressley oo ku dhashay Mareykanka iyo llhaan Cumar oo Soomaali ah, oo Mareykanka qaxootinimo ku tagtay iyadoo 12 jir ah, iyagoo matala dhamaantood Xisbiga Dimoqraadiga.

Trump ayaa sheegay in haweenkan ay ka soo jeedaan dalal fashilmay, loona baahan yahay iney ku laabtaan dalalkooda, waxna ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira.

Raisal wasaraaha Britain ee xilka ka sii tageyso ayaa hadalka Mr Trump ku tilmaantay mid aan la qabali karin oo ay ka muuqato cunsuriyad.

Hadalka Trump oo cambaareyn kulul caalamka looga soo jeediyey ayaa lagu tilmaamay inuu cunsuri yahay, uuna ka duwan yahay hadalladii cunsuriyadda ee horay looga bartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka shakisan qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada !

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Masar oo soo saaray bayaan wadajir ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Askar ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Q/Midoobay oo lagu dilay Magaalada Dekoa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---