Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Weerar Siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku qaaday Somaliland (Sawirro)

Golaha Wasiirada maamulka Somaliland oo kulan aan caadi aheyn maanta ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay si kulul uga hadleen weerar siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay sheegeen in ay kusoo qaaday dowlada federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in dowlada federaalka Soomaaliya ku heyso maamulkeeda carqaladeyn iyo dagaal siyaasadeed, waxa ayna Somaliland sheegtay in dowlada federaalka isku dayday in xoolo Sacuudiga u dhoofiyeen caqabad ku noqoto.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeed laga soo saaray Shirka Wasiirada Somaliland

Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.

Haddaba, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan aan Caadi aheyn oo maanta ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Xiriirkooda soo celiyay iyo Qadar oo gacan ka geesatay

Cabdi Cade

Dowladda oo qaadaneysa Macaliim cusub iyo Shuruud ku xiran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---