Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Justin Trudeau oo ka naxay geeridii ku timid Hodan Naaleeye

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii naxtinta laheyd ee ku timid Hodan Naaleeye oo kamid aheyd dadkii badnaa ee Al Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo.

Justin Trudeau ayaa tacsi u diray eheladii ay ka geeriyootay Hodan Naaleeye oo heesatay dhalashada dalka Canada, waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha tacsi u diray ehelada dadkii kale ee lagu dilay Weerarka Hotel Cas Caseey.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada ayaa sheegay in Wariye Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya, waxa uuna xusay in geeridiida ay noqotay mid si weyn looga naxay loogana dareemay Canada.

“Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida, waxa ay aheyd qof wanaagsan, geerideeda aad  ayaana uga naxnay ” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Trudeau.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada ayaa sidoo kale balan qaaday in dowlada federaalka Soomaaliya ka taageerayaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka .

Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye oo heesatay dhalashada dalka Canada iyo seygeeda ayaa kamid noqday dadkii badnaa ee ku dhintay weerarkii Al Shabaab jimcihii ku qaadeen Hotel kuyaala magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Ciraaq oo Sweden u gudbisay dalab la xiriira ninkii gubay Kitaabka Qur’aanka

Caydiid Ali

James Swan iyo Wafdi la socday oo gaaray Dhuusomareeb lana kulmay Qoor Qoor (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidankii sugi lahaa amniga doorashada oo la diyaariyey iyo Saciid Deni oo.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---