Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Howlgalo ka dhan ah dadka Sharci darada ku jooga Mareykanka oo bilowday

Howlgalo lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay.

In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la mastaafuriyo.

Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arimaha soo galootigu ay diideen kiiskooda.

Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku meesha ay ka bilaabeen dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda.

Waxa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al Shabaab, hub iyo Gaadiid

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka dhawaajiyay arrin dambi weyn ah oo lagu muddan karo…

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo soo bandhigtay askar ka goosatay dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---