Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo xil culus u Magacaabay nin la dhashay Xaaskiisa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa xil culus u magacaabay nin seedigiis ah.

Max’ed Yuusuf Maxamuud oo la dhashay xaaska Madaxweyne Deni Marwo Ijaabo Yuusuf Maxamuud ayaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee furdada Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Masuulkan ayaa maanta xilka kala wareegay Cali Shirwac Ciise oo xilka laga qaaday ka dib markii uu muddo dheer soo hayey, iyadoo maantana munaasabad uu xilka kula wareegay masuulka cusub lagu qabtay dekeda, taasoo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin kala duwan.

Dekeda Boosaaso ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaale ahaan uu ku tiirsan yahay maamulka Puntland, waxaana dhaqanka madaxda Soomaalida ka mid ah iney dad eheladooda ah ku naas nuujiyaan meelaha leh ilaha dhaqaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Muuse Biixi oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Abuu-dhabi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya

admin

Somaliland oo ugu baaqday waddamada Caalamka in ay xushmeeyaan rabitaankooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---