Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo xukumay 3 Milyan Euro oo Magdhaw ah

Maxkamadda racfaanka Perugia ee dalka Talyaaniga ayaa lacag badan oo magdhaw ah u xukuntay Muwaadin Soomaaliyeed oo sanado badan dalka Talyaaniga ugu xirnaa dambi uusan galin.

Xaashi Cumar Xassan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ayaa in ka badan 16-sano ku xirnaa dalka Talaaniga, waxaana loo heestay in uu wax ka maleegay dil Muqdisho loogu geestay sanadkii 1994-tii Gabar Wariye aheyd iyo Nin Sawir Qaade ahaa.

Ilaria Alpi oo katirsaneyd Warbaahinta RAI ee dalka Talyaaniga  iyo sawir qaade Milan Hrovatin ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana weerar ku qaaday gaari ay saarnaayeen dabley hubeysan.

Xaashi Cumar Xasan, ayaa dalka Talyaaniga loo geeyay si shirqool ah bishii January ee sanadkii 1998-kii, waxaana Xaashi lagu eedeeyay in uu dilka Wariyaashan ka dambeeyay sidaasna loogu xukumay xabsi dheer.

Dacwad oogaha Dario Razzi ayaa u sheegay maxkamada in Xaashi Cumar uusan galin dambiga lagu eedeeyey ee ahaa inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994- loogu geestay Gabadha Wariyaha iyo Sawir qaadaha la socday.

Maxkamadda racfaanka Perugia ayaa ugu dambeyn muwaadinkan Soomaaliyeed oo xabsiga laga sii daayay sanadkii 2016-kii u xukuntay in la siiyo lacag dhan 3.181 Milyan oo Euro maadaama in ka badan 15-sano uu u xirnaa dambi uusan galin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Xarun loogu tala galay Agoonta ciidanka Booliska oo maanta xariga laga jaray

admin

Axmed Madoobe oo shaaciyay hal arin ay isaga mid yihiin Dowlada Federaalka iyo Al Shabaab

Cabdi Cade

Daawo: DF oo soo saartay War ka nixiyey Kenya & Wasiir Beyle oo wajahaya dacwad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---