Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Al Shabaab oo War kasoo saartay Qaraxyadii maanta ka dhacay Dhuuso Mareeb

Labo qarax oo miino ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada labada qarax ee ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxyadaasi khasaaro kasoo gaareen ciidamo katirsan Ahlu Sunna.

“Mujaahidiinta ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Ahlu Sunna ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab .

Al Shabaab ayaa warka ay soo saartay lagu sheegay in labada qarax ay ahaayeen miino ayna jirin ruux is qarxiyay, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxyadaasi lala eegtay goobo bartilmaameed ahaa.

Qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa dhaliyay geerida askari katirsanaa Ahlu Sunna iyo dhaawaca shan qof oo kale oo ku sugnaa maqaayad kutaala Dhuuso Mareeb oo la galiyay mid kamid ah qaraxyada miino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabe si arxan daran u dilay Xaaskiisa & Wiil uu dhalay oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Bujumbura (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo la wareegtay Gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad hubeesan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---