Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo soo jeedisay qaraar ka dhan ah kooxda Al Shabaab

Dowlada Kenya ayaa ka walaacsan qatarta sii kordheysa ee kooxda Al Shabaab iyo weerarada halista ah ee wali ka geesanayaan gudaha Soomaaliya iyo waliba gudaha dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in A Shabaab wali halis ku yihiin nolosha dadka, waxa ayna xustay in weerarkii Kismaayo dad badan tusineyso qatarta kooxdaasi.

Monica Juma ayaa Golaha ammaanka  ka dalbatay Shabaab in kooxda Al Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagixisada, si loo dhimo awooda sii kordheysa ee kooxdaasi yeelaneyso.

Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya ayaa ugu baaqday golaha amaanka in ay si deg deg ah uga hadlaan qatarta muuqata ee kooxda Al Shabaab , waxa ayna xustay in kooxdaasi usoo jeesatay in dadka micno daro u laayaan.

Hadalka kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili Al Shabaab galabtii Jimcaha magaalada Kismaayo ka geesteen weerar xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqolaal maxaabiis ah oo xabsiyada ku xiran

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii G/Banaadir oo geeriyooday

Caydiid Ali

Taliye Ciidan oo toorey lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---