Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo oo Muqdisho loo soo qaaday

Dayuurad gaar ah ayaa waxay maanta ka soo qaaday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay halkaas ka dhacay oo sababay dhimashada iyo dhaawaca badan.

Dhaawacyadan oo u badan kuwo xaalada adag ku jira oo wax looga qaban waayey isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa loo kala duuliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi si halkaas loogu soo daweeyo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo illaa xalay aan nasan ayaa garoonka dayuuradaha Kismaayo ka sagootiyey dhaawacyada, isagoo sidoo kale ka qeyb galay aas wadareed saaka Kismaayo loogu sameeyey 26 qof oo ku dhimatay weerarkii shalay.

Wararka naga soo gaaraya garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney halkaas soo gaartay dayuurad siday 12 qof oo qaba dhaawacyo halis ah kuwaasoo ay ku jireen nin Shiinees ah iyo haweeney u dhalatay dalka Tanzania, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal mar kale ka qarxay degaanka Kaxandhaale & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

(Sawirro) Dad ku dhamaaday Fiilo koronto oo ku dhacday Suuq laga dukaameysto

Caydiid Ali

Ciidanka Macawsiley oo ugu dambeyn Al-shabaab ka saaray degaanka Caad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---