Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Daawo Sawirro) Burburka xooggan ee soo gaaray hotelkii lagu weeraray Kismaayo

Burbur aad u xoogan ayaa soo gaaray hotelka Cas-caseey ee magaalada Kismaayo oo shalay shalay illaa xalay uu ka socday weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo laguĀ  galay hotelka.

Madaxweyna Jubaland ayaa sheegay saaka in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka Kenyan, Canada, Britain, Maraykan Tanzania iyo Kenya.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay kuwaasoo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Meydad fara badan iyo dhaawacyo illaa xalay ku go’doonsanaa gudaha ayaa laga soo saaray saaka ka dib markii lasoo afjaray weerarka, waxaana ka mid ah meydadkaas qaar ka midah dableyda ku jirtay gudaha hotelka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismaha cusub ee Safaarada Somalia ee Washington oo xariga laga jaray(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rooble oo kormeeray xarumaha guddiga Doorashada iyo Amniga Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yasin: “Ansixinta Wax ka bedelka dastuurka waa shirqoolkii ugu halista badnaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---