Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo faahfaahiyey tirada ajaaniibta & Soomalida lagu dilay weerarkii Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii al-shabaab ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

Ajaaniibta uu sheegay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira dad Soomaali ah oo heysta baasabooro shisheeye sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo kala duwan.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay kuwaasoo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe & Xasan Shiikh oo u tamashle tegay degaanka Goobweyn (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh: “In Madaxdii dalka ay howl ka dhigtaan hebel yuusan dhoofin iwm waa nasiib daro ”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Fei Shengchao (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---