Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Tirada Xildhibaanada Mooshinka Wada oo caawa kordhay

Waxaa caawa abaabul xoogan iyo kala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka socdaa qaar kamid ah Hoteelada waa weyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku dhaw Madaxtooyada.

Xildhibaanada Mooshin ka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa caawa kulamada iyo abaabulka xoogiisa wada, waxa ayna Xildhibaanadan soo jiidanayaan Xildhibaano kale oo horey ula safnaa Gudoomiye Jawaari.

Sida aan Wararka ku helay ilaa 8-Xildhibaan oo kamid ahaa xubnihii sida weyn u taageersanaa Gudoomiye Jawaari ayaa caawa kusoo biiray dhinaca kale ee Mooshinka ka wada Gudoomiyaha.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay in lagu qanciyay in ay taageeraan in kalsoonida lagala noqdo Gudoomiye Jawaari, waxa ayna sheegeen Xubnahan in go’aankoodii hore badaleen kana laabteen taageeradii ay u hayeen Jawaari.

Tirada Xildhibaanada Taageersan mooshinka kalsooni kala noqoshada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa hada kor u dhaafay 200-Xildhibaan, waxa ayna Xildhibaanadan isku balansadeen in isla beri kalsoonida kala noaqdaan Gudoomiyaha.

Waxaa sidoo kale caawa iyana kulamo ku leh magaalada Muqdisho Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari oo u badan kooxaha Damul Jadiid iyo Daljir, Xildhibaanadan ayaana iska wareesanayay sida ay beri ka yeelayaan kulanka Baarlamaanka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibanaadan ka arinsanayaan labo arin midood oo ah in ay Kulanka Baarlamaanka aysan tagin iyaga iyo Jawaari iyo in ay kulanka tagaan kana bilaabaan foodo si aan mooshinka looga doodin.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya beri yeelanayaan ayaa ah mid xiiso gaar ah dadkuna ka warsugayaan waxa kasoo bixi doona, waxaana kulankan laga cabsi qabaa in foodo ay hareyso iskuna dhacaan Xildhibaanada iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbedalka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran !

Cabdi Cade

Qorsheynta wajiga labaad ee dhimista ciidamada TMIS oo bilaabatay

Caydiid Ali

Soomaaliland oo burbur qarka u saran doorashada darteed & Muuse Biixi oo dhaqankii Farmaajo lasoo baxay !!

admin
Taboola Ads ---