Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay Khilaafka ka dhax taagan Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhashay Mooshinka Gudoomiye Jawaari laga gudbiyay.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ugu baaqayaa madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.

Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.

Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Shub oo Ammar kusoo rogay ciidamo ilaalo u ah Wasiirro iyo Xildhibaanno

Cabdi Cade

Somalia: Imisa qof ayaa 24-kii saacadood ee u dambeeyey laga helay COVID-19?

Caydiid Ali

Guddoomiye Madaale oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Shaqaalaha G/Banaadir

Caydiid Ali