Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo iyo Rasaas wali laga maqlayo Hotelka Cas Casey iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Rasaas iyo qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa dhismaha Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo, waxaana wali socda howlgal ay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM ku doonayaan in ay kusoo ajfaraan weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka.

Dabley hubeesan oon wali tiradooda rasmiga ah la ogeyn ayaa ka dhax dagaalamaya qeybo kamid ah Hotelka, waxa ayna Dableyda soo ridayaan bambaanooyin iyo rasaas xoogan ay isaga caabinayaan ciidamada amaanka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa maqlaya dhawaqa qaraxyada bambooyinka iyo rasaasta la is dhaafsanayo, waxaana wali ciidamada huwanta ah wadaan howlgalo dad kusoo bad baadinataan iyo kuwa ay ku doonayaan in ay weerarka kusoo afjaraan.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan dad badan oo ku xayirnaa dhismaha Hotelka oo isugu jiray masuuliyiin , siyaasiyiin iyo dad kale oo degnaa Dhishama Hotelka la weeraray.

Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la toogtay qaar kamid ah dableyda Hotelka Weerarka ku qaaday, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay rajeenayaan in howlgalka si deg deg ah usoo afjaraan.

Weerarka Ismiidaaminta iyo midka tooska ah Al Shabaab gabal dhicii maanta ku galeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan wali si rasmi ah loo ogeyn tirada khasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Muuse Biixi oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha Khaatumo oo tagay furumaha hore dagaalka ay joogaan ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Danjirihii Somalia u fadhiyey Kenya oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---