Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo loo diiday in uu booqdo xarumo iyo goobo kale oo kuyaala magaalada….

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu kahor istaagay Wafdigii uu hogaaminayay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya in ay booqdaan xarumo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Kheyre iyo wafdigiisa oo Arbacadii tagay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa qorsheenayay in ay tagaan goobo kala duwan , hasa ahaatee amar kasoo baxay Madaxweyne Deni ayaa keentay in wafdiga loo diido in ay booqdaan goobaha ay qorsheesteen.

Goobaha ay doonayeen in ay booqdaan Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socday ayaa waxaa kamid ahaa Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo, Qabuuraha uu ku aasan yahay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo goobo kale.

Maamulka Garawe ayaa sidoo kale arbacadii isku dayay in Ra’isul Wasaare Kheyre ka hor istaagaan in uu yimaado Waqooyiga Gaalkacyo, hasa ahaatee isku daygaasi ayaa fashilmay Ra’isul Wasaaraha ayaana halkaasi tagay si diirana loogu soo dhaweeyay.

Siyaasiyiin , Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa ka xumaaday hab dhaqanka maamulka Saciid Deni, waxa ayna nasiib daro iyo siyaasad xumo ku tilmaameen in Ra’isul Wasaarihii dalka loo diido in uu Joogo Waqooyiga Gaalkacyo sidoo kale booqdo xarumo kuyaala magaaladaasi.

 

Related posts

Golaha Wakiillada Somaliland oo diiday xasaanad ka xayuubinta Xil: Abiib

Cabdi Cade

Meydka qof kamid ah dadkii ku dhintay Mashaqadii Baladweyne oo saakay la helay

Cabdi Cade

Saraakiil ku eedeysan musuq maasuq oo maanta la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---