Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo ku dhintay Weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey.

Hotelka la weeraray oo ahaa mid caan ah waxaa degnaa Masuuliyiin , Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka , Musharaxiin Madaxweynaha Jubbaland, Siyaasiyiin , dad ka shaqeeya Hay’ado iyo Qurbo joog.

Weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey ayaa lagu dilay qaar kamid ah dadkii ku sugnaa, waxaana dadka weerarka lagu dilay ku jiray Siyaasiyiin, Musharax Madaxweyne , Wariyaal iyo dad kale oo magac leh.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka weerarka Kismaayo ku dhintay uu ku jiro Musharax Madaxweynanaha maamulka Jubbaland Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo maalmo kahor tagay Kismaayo kana waday olole.

Musharaxa  ku dhintay weerarka ayaa horey usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaabka Soomaaliya , waxa uu sidoo kale soo noqday  Wasiir Kuxigeenkii Howlaha Guud & Dib u Dhiska .

Wararka ku saabsan dadka ku dhintay weerarka magaalada Kismaayo wali ka socda ayaa ah mid isasa soo taraya, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Wasii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid 800- sano kahor laga dhisay Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin riyoonaya oo iska jaray Xubintiisa taranka iyo xaaladiisa oo lala tacaalayo

Cabdi Cade

Madaafiic culus oo Xiligan ku socota Dhuusomareeb xili ay joogaan Farmaajo iyo Madax kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---