Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerar wali ka socda Hotel kuyaala magaalada Kismaayo

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo gabal dhicii maanta lagu qaaday Hotel lagu magacaabo Cas Caseey oo sidoo kale loo yaqaab Madiina ee kuyaala magaalada Kismaayo.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano kooxdooda katirsan weerar xoogan ku qaadeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in masuuliyiin ay degnaayeen Hotelka la weeraray.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteelada ay deganyihiin saraakiisha maamulka  Jubbaland” ayaa lagu yiri warAl Shabaab kasoo baxay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalyahanadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hotelka Cas Casey ayna halkaasi ka wadaan toogasho ay u geesanayaan dadkii Hotelka ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maalqabeenkii musalafay ee mar labaad doonaya inuu hoos kasoo bilaabo ganacsigiisa!

Cabdi Cade

Booliska Somaliland oo caawa toogasho ku dilay Wiil soo xirtay calanka Somalia

Caydiid Ali

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Duleedka Xudur

Caydiid Ali
Taboola Ads ---