Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari oo caawa soo saaray Qoraal Xasaasi ah Eedeyn culusna u jeediyay Madaxweynaha

Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal goordhaw xafiiska kasoo baxay waxaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu gabay xilkii ka raasnaa ilaalinta mabaa’diida aasaasiga ee dastuurka, waxaa sidoo kale Madaxweynaha lagu eedeeyay inuu dhinac maray kala madax banaanida Awoodaha Sharci dajinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Waxaa sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Jawaari lagu sheegay ciidamo ka amar qaata Xukuumada la wareegeen xarunta golaha shacabka, waxaana lagu sheegay qoraalka  in waxii dhibaato ah oo yimaada uu masuul ka yahay Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Jawaari kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin gubi rabay xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo saakay la qabtay iyo Faah Faahin laga bixiyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Masuuliyiin uu dhowaan xilal u magacaabay RW Rooble oo la dhaariyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Golaha Wasiirrada K/Galbeed kala hadlay labo arrin oo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade