Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotelka Kuyaala Kismaayo

Weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qaaday Hotel lagu magacaabo Cas Caseey oo kuyaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in rag hubeesan ay weerar ku qaadeen dhismaha Hotelka, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo u muuqata mid ay is dhaafsanayaan dableyda hubeesan iyo ciidamada amaanka .

Hotelka la weeraray ee Cas Caseey ayaa la sheegay in ay degnaayeen masuuliyiin iyo dad kale oo la sheegay in qurbo joog yihiin, waxaana goobta la weeraray gaaraya ciidamo badan oo gurmad ah oo katirsan maamulka Jubbaland.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay weerarka imiiaaminta iyo midka tooska ah ee lagu qaaday Hotelka kuyaala magaalada Kismaayo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Weerakan kala soco Wararkayag Dambe Insha Allah

Related posts

Nin gubay sawirka Madaxweyne Samia Suluhu oo la xukumay (Sawirro)

Caydiid Ali

Imaaraadka oo wax ka badalay siyaasadiisa Soomaaliya lacag badana ugu deeqay Musharax …

Cabdi Cade

Maxay Tahay Sababta Dawladda u magacaabi weydey guddigii farsamo ee lagu heshiiyey ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---