Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan & Saraakiil badan oo la xirxiray

Golaha sare ee haya talada dalka Suudaan ayaa waxay sheegeen inay fashiliyeen isku day afgembi oo dalkaasi ka dhacay.

Afhayeen u hadlay milAtariga Sudan, Jen. Jamaal Cumar ayaa shaaca ka qaaday in tiro askar ah loo xiray isku dayga afgembi ee ka dhacay Sudan, waxaana shakhsiyaadkaasi kamid ah saraakiil ciidammada katirsaneyd oo howlgab ah iyo kuwo horey uga ka tirsanaa sirddooonka iyo laamaha amniga Sudan.

“Waxaan aragnay dad halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka, kuwaasoo ay kamid yihiin kooxo diiddan waxyaabaha ay doonayaan shacabka” ayuu yiri Jen. Cumar.

Waxaa uu intaas ku daray in isku dayga afgembi looga gollahaa in lagu hor istaago heshiiskii awood qeybsiga ahaa ay dhowaan wada gaareen golaha sare ee militariga iyo Isbaheysiga mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidan gelbiyey markab marayey Badda Somalia oo waday kumanaan dalxiisayaal ah

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo taageertay Xariga Xubno uu ku jiro Amiir Xamza Bin Xuseen

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Khayre oo Warbixin ka dhegeystay guddiga dib u habeynta Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---