Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in RW Khayre uu fasaxay dhaqaale uu ku taageeray dhismaha garoonka Cawaale?

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa dhaqaale ku taageeray dhismaha garoonka Ciyaaraha Cawaale oo ku yaalla Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in lacag  $220,000 (Laba boqol iyo labaatan kun oo dollar) uu raisul wasaare Khayre ugu deeqay garoonkaas.

Sidoo kale, Waxaa la sheegay in lacagtaas si deg deg ah loogu diray Akoonka guddiga dhismaha  garoonka Cawaale, inkastoo xubnaha guddiga aysan weli ka hadlin.

Khayre oo shalay galab boqolaal dhalinyaro iyo shacab kale isugu jiray kula hadlay garoonka Cawaale ee woqooyiga Gaalkacyo ayaa balan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dhismaha garoonka.

Dhalinyarada ku dhaqan woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa si diiran u soo dhoweeyey dhaqaalaha uu Ra’isul Wasaaruhu ku taageeray dhismaha garoonkaas oo dhaqaale xumo la daalaa dhacayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa caawa ka socda Magaalada Boosaaso oo ay xiisad dagaal ka jirtay?

Caydiid Ali

Wejigii Saddexaad ee Wada Haddalada Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka oo si rasmi ah u bilowday (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada Soomaaliya oo Halis Ugu Jirta Dib uDhac & Caqabadaha cusub ee soo kordhay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---