Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Somalia ku yeesheen Muqdisho? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ay golohu yeesheen ayaa looga hadlay sharciga difaaca qaranka iyo siyaasadda daryeelka bulshada oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha difaaca iyo shaqada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga guud ee dalka, howl-gallada laamaha amnigu ay ku baacsanayaan kooxaha nabad diidka ah sida warka loo dhigay  iyo qorshaha dardar gelinta sugidda amniga.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu socday shirku waxa uu golaha warbixin ka siiyay socdaal ay magaalada Xudur ee gobalka Bakool ku tageen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka oo isugu jiray xubna ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno ka socda labada gole.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariyaal Shaqadooda ku waaway Sawir Qaldan ay ka daabaceen Ra’isul Wasaare Abiy

Cabdi Cade

Eng. Yariisow oo sheegay in la Maxkamadeynayo shaqaalaha dowlada hoose qaarkood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shegay tirada odayaasha & ergadii amarkooda qatay & dil Lagu xukumay askarigi Fududeeyay….

admin
Taboola Ads ---